Maalinkii labaad magaalada Ceelbarde waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka kala tirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan baarlamaanka koonfur-galbeed oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in bilowgii ay jirtay xiisad u dhaxaysay laba mamamul oo uu madaxweynaha Koonfur-galbeed u kala magaacabay Ceelbarde.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa badalay maamulkii hore ee Ceelbarde isaga oo u magacaabay maamul cusub. Balse labaatan maalmood kadib ayuu dib usoo magacaabay maamulkii hore ee degmada, sida uu sheegay Maxamed Xuseen.
Marka laga soo tago is qabqabsiga maamul, waxaa jirta arrin kale oo sabab u noqotay inuu qarxo dagaalkan. Gabar uu dhalay taliyaha ciidamada milatariga ee ku sugan Ceelbarde ayaa waxaa qashqashaaday askari ka tirsan ciidamada draaawiishta ee Koonfur-galbeed ee ku sugan magaalada, taas oo sababtay inuu bilowdo gacan ka hadal dhexmara labada ciidan.
Inta aan ognahay ilaa iyo sagaal ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalka Ceelbarde, walina waxaa taagan xiisad.