Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Diyaaradaha Mareykankan ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka halkaas ay ku suganayeen xubno ka mid ah Al- Shabaab. AFRICOM war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in goobaha ay beegsadeen ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al- Shabaab isla markaana uu guulaystay duqeymahaas dhacay. Waxa...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Wasiirada ma aysan soo hadal qaadin go’doominta Baydhabo ee Al-Shabaab
Muqdisho (Raxanreeb ) Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah. Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta...
Askari Dowladda ka tirsan oo nin Kenyan ah ku dilay Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Meel aad ugu dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah waxaa lagu toogtay nin ajanbi ah oo howl u shaqo u joogay dalka. Ninkan lagu dilay maanta magaalada Muqdisho ayaa u dhashay dalke Kenya sida ay sheegeen dad la shaqaynayay oo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay....
DFS oo doonaysa in go’doominta ka qaado Baydhabo & talaabo ay qaaday
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab. War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi...
Shabaab & Dowladda oo ku dhax dagaalamay gudaha Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa weeraro toos ah ka bilaabay in ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho , kuwaas oo inta badan khasaare kala duwan gaysta. Goobaha la sheegay in kooxda Al- Shabaab weeraro ay ka gaysteen waxaa ka mid ah ,deegaanka Arbacow ee Ceelasha biyaha ee duleedka – magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka...
Shabaab oo Muqdisho ku dilay masuul ka tirsan degmada Awdheegle Sh. Hoose
Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho kooxda Al- Shabaab ayaa beegsiga masuuliyiinta ka bilaabay waxayna magaalada ay ku toogteen dhawr qof. Maanta oo Arbaca ah waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen guddoomiye ku xigeenka maamulka Awdheegle ee gobolka ee gobolka Shabeellaha hoose. Masuulkan lagu toogtay Muqdisho ayaa lagu magacaabi jiray AUN Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow ,...
Diyaaradaha Kenya oo dad rayid ah ku laayay deegaano ka mid ah gobolka Gedo.
Baardheere (Raxanreeb ) Diyaaradaha Kenya ayaa wali wada beegsiga ay ku hayaan goobaha ay degan yihiin dadka shacab ah ee deegaaanada gobolka Gedo ku nool . Sida aan wararka ka helayno gobolka Gedo ay sheegayaan diyaarado ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo khasaare dhaliyay ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde, waxaana kasoo baxaya warar kale...
Isticmaalka Shilin Soomaaliga oo caqabad uu ka taagan yahay
Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii dib loogu soo daabici lahaa lacag shilin Soomaali ah ka dib lacagta ay noqoay mid baa’baday oo isticmaalkeeduna uu caqabad ka taagan tahay. Maalmo ka hor Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamze Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Guddiga dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga...
Dowladda oo ku faantay in Al- Shabaab ay ku dishay howlgal gaar ah
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Gobollada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe. Hawlgalka oo ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen sida la sheegay kooxda Al- Shabaab ayay Ciidamadu ku dileen in ka badan 30 ka tirsan kooxda halkaas joogtay waxayna...
Soomaalida Kenya oo wehel u ah casbi & banaanbaxyo ka dhacaya Nairobi
Nairobi (Raxanreeb ) Somaalida ku nool Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada ka dhacaya dalka kenya, xilli mudaaharadyadii todobaadkii hore ka dhacay Nairobi ay qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay dhac u geysteen goobo ganacsi. Waxaa lagu soo waramayaa in dibadbaxyadan ay saamayn ku yeesheen , dhaqdhaaqa ganacsiga iyo guud ahaan...









