Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Jimca ah waxaa gaaray xubno ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya. Guddigan ayaa u jeedkooda ah sidii ay meel isugu keeni lahayeen maamulka Madaxwayne cabdicasiis Laftagareen iyo xubnaha mucaaradka kuwaas oo diidan in xukunka uu sii joogo...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Xasan Sheekh ‘’ Waxa jira rag ka tirsan Al- Shabaab oo qabiil lagu difaaco ‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood. “Way na dhibaysaa dilka...
Somaliland oo ciidamo gaysay duleedka Laascanood & dadka oo heegan ku jira
Laascanood (Raxanreeb ) Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo fara badan ay soo dhoobtay meel kaabiga ku haysa magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd kacdoon shacab. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascanood ayaa sheegaya in in ciidankan saacadihii la soo dhaafay ay wadeen dhaq-dhaaq ciidan oo...
Al- Shabaab oo weerar khasaare gaystay ka fuliyay deegaan hoos- taga Ruun-nirgood Sh.Dhexe.
Ruun-nurgood ( Raxanreeb ) Dagaal culus ayaa Salaadi Subax Maanta oo Jimca ah Ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidanka xoogga iyo kooxaha kacdoonka ee deegaanka. Kooxda A-lshabaab ayaa lagu sooo waramayaa in weerar ay ku soo qaaday deegaanka Isgaarsiinta oo aad u xun lama hayo xog dhamaystiran oo ku...
DEG-DEG : Qarax lagu weeraray Hotel ku yaala Boosaaso & waxa ka socday.
Boosaaso ( Raxanreeb ) Qarax bumbo-gacmeed loo adeegsaday ayaa ka dhacay aaga Hotel Jaabir maagaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ka socotay xafladd ku saabsan diiwaangelinta doorashada brri lagu balan sanyahay in ay bilaabato. Dhawaaqa Rasaas ayaa la maqlaya Balse Lama xaqiijin karo Khasaaraha dhabta ah. Sidoo kale waxaa baaqday Madaxweyne Deni oo tagi lahaa Bosaaso...
Kiiska Xoghayaha SJS oo ka furmay Maxkamadda Gobolka Banaadir
Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bilowday maanta dhegeysiga kiiska Xoghayaha Guud Ururka Suxufiiyiinta SJS Abdalle Ahmed Mumin oo markii ugu horreysay 11 October 2022 lagu xiray magaalada Muqdisho xilli uu safar u ahaa dalka dibadiisa. Maxkamadda ayaa dhageysanaysa maanta eedda Wariyahan oo ay kamid tahay inuu jabiyay awaamiir ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay...
Laba gaari oo isku qarxiyay goobo lagu qaxweeyo oo ku yaala Maxaas + Khasaaraha.
Maxaas ( Raxanreeb ) laba Gaari oo Nuuca Saafurta ah ayaa lagu soo waramahaa in kooxda Al- Shabaab ay ku qarxiyeen Maqaayado laga qaxweeyo iyo goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Inta la ogyahay 5 ruux oo u badan Haween shaah iibinayay ayaa ku geeriyooday Qaraxyada iyadoo 10 kale dhaawacyo...
DEG-DEG : Boosaaso oo laga mamnuucay in lagu qabto shirarka siyaasadeed.
Raxanreeb ( Boosaaso ) Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa xayiraad ku soo rogay Hotelada magaalada Bosaaso in lagu qaban wax shirar ah oo aan la soo ogeysiin. Xanibaadaan ayaa imaanaysa xilli lagu balansan yahay in is diiwaangalin ka dhacdo 5 bishan, iyadoo lagu qaban rabo gobolada Barri, Gardafu iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar. Ururada siyaasada...
Ciidankii Ereteriya ee soo gaaray dalka oo u- jihaysanaya goobaha dagaal.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf...
” Ciidamada Somaliland ha laga saaro Laascaanood ” Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
Laascanood ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Abdirisak Khaliif ayaa sheegay in magaalada Laascanood ay ka taagan xaalad aan indhaha laga qarsan karin , isla markaana u baahan in wax laga qabto. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in si deg deg ah magaalada looga saaro ciidanka Somaliland ee halkaas dhibaatada ka gaysanaya....


