DEG-DEG : Boosaaso oo laga mamnuucay in lagu qabto shirarka siyaasadeed.

Raxanreeb ( Boosaaso ) Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa xayiraad ku soo rogay Hotelada magaalada Bosaaso in lagu qaban wax shirar ah oo aan la soo ogeysiin.

Xanibaadaan ayaa imaanaysa xilli lagu balansan yahay in is diiwaangalin ka dhacdo 5 bishan, iyadoo lagu qaban rabo gobolada Barri, Gardafu iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar.

Ururada siyaasada Puntland gaar ahaan kuwa diidey in diiwaan Galin hal dhinac laga qabto Puntland ayaa aad uga caroodey warqadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.