Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood.
“Way na dhibaysaa dilka iyo dhibaataynta dad kor u qaadaya calanka Soomaaliya’ ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale waxa uu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen argagixisada Alshabaab, kuwaas oo wali haysta fursad ay kaga bixi karaan.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ay soo gaartay inay jiraan dad hab qabiil ku difaaca Xubnaha katirsan Al-Shabaab, taasina aysan aheyn wax la aqbali Karin.
Leave a Reply