Laascanood ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Abdirisak Khaliif ayaa sheegay in magaalada Laascanood ay ka taagan xaalad aan indhaha laga qarsan karin , isla markaana u baahan in wax laga qabto.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in si deg deg ah magaalada looga saaro ciidanka Somaliland ee halkaas dhibaatada ka gaysanaya.
“Ciidamada Somaliland ha laga saaro magaalada gudaheeda oo xeryahoodii ha lagu celiyo. Intii dhibkani jiray waxaa la gaadhay heer nolosha dadka la damiyo oo korantada la baqtiiyo oo rasaas lala dhaco” Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Abdirisak Khaliif.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mr Khaliif ayaa xusay in dad badan ay ku dhinteen rabshadahaha xalka laga gaarin ee ka sii socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Dhinacyada siyaasiinta Soomaalida ah ayaa ku baaqaya in wax laga qabto xaaladda ay ku sugan – tahay magaalada Laascanood oo – haddii aan waxba laga qaban keeni karta dhibaatooyin reeba cawaaqib xumo.
Leave a Reply