Somaliland oo ciidamo gaysay duleedka Laascanood & dadka oo heegan ku jira

Laascanood (Raxanreeb ) Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo fara badan ay soo dhoobtay meel kaabiga ku haysa magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd  kacdoon shacab.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascanood ayaa sheegaya in  in ciidankan saacadihii la soo dhaafay ay wadeen dhaq-dhaaq ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u galaan magaalada Laascanood.

Magaalada Laascanood , waxaa hadda ku sugan – kooxaha iska caabinta ee dadka deegaanka kuwaas oo si xoog ah isaga saaray ciidanka Somaliland.

Ciidankan oo lagu soo waramayo in la soo kordhiyay saacadihii la soo dhaafay ayaa ah kuwo cusub si ay ula wareegaan gacan ku haynta magaalada Laascanood.

Waxaa  dib loo furay  badi goobaha ganacsiga magaalada ee ku xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada, balse xaaladdan cusub ay cabsi abuurtay.

Si- kastaba waxaa  isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo  ciidanka Somaliland , kaas oo la xiriira in si nabad ah lagu dhameeyo xaaladda magaalada Laascanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.