Maxaas ( Raxanreeb ) laba Gaari oo Nuuca Saafurta ah ayaa lagu soo waramahaa in kooxda Al- Shabaab ay ku qarxiyeen Maqaayado laga qaxweeyo iyo goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Inta la ogyahay 5 ruux oo u badan Haween shaah iibinayay ayaa ku geeriyooday Qaraxyada iyadoo 10 kale dhaawacyo soo gaareen.
Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaawacyadu soo gaareen in kastoo xaaladiisu aysan darneyn- loo qaaday magaalada Belewayne.
Degmada Maxaas ayaa ka mid ah deegaanada ay sida buuxda ula wareegeen ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Macwiislayda.
Leave a Reply