Laftgareen &  Guddiga dib u heshiisiinta KGS oo wada- hadal u furmay

Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Jimca ah waxaa gaaray xubno ka mid ah Guddiga  dib u heshiisiinta ee uu  magacaabay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Guddigan ayaa u jeedkooda ah sidii ay  meel isugu keeni lahayeen maamulka Madaxwayne cabdicasiis Laftagareen iyo xubnaha mucaaradka kuwaas oo diidan in xukunka uu sii joogo Laftagareen.

Wararka RBC uu ka helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay  ayaa sheegaya in labada dhinac ay isla soo qaadeen sidii loo gaari lahaa xal ku saabsan qabsoomida doorashada.

Mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn in Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha   Golaha shacabka kaas oo u xil saran muranka doorashadda.

Maalmaha soo social ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo qorshuhu ahaa in uu shalay furmo balse uu dib u dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.