Garoowe (Raxanreeb )- Maanta oo Talaad ah Puntland waxaa ka dhacaysa doorasho qof iyo cod ah oo Golaha deegaan ah waxana doorashooyinkan maanta ay ka dhacayaan degmooyinka Garoowe, Godob jiraan iyo Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. Saddexdan dagmo ayeysan horrey uga dhicin doorashadu ka dib khilaaf ka dhashay qabsoomideeda sanadkii hore. Waxaa markii hore la qorsheeyey...
Author: MR Guled (Hanad Guled)
Go’ aan adag oo laga soo saaray hubka laga soo dejiyay Caabudwaaq
Muqdisho (Raxanreeb )-Golaha Amniga Qaranka oo galabta kulan yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Soo Saaray go’ aano Cusub oo ku Saabsan Xakamaynta Hubka ee guud ahaan Soomaaliya. Inta kulankan uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday hubkii faraha badnaa ee dhawaan u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...
Maxaa ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada ? arrimo ku cusub.
Muqdisho (Raxanreeb )- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay...
PUNTLAND | Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka.
Garoowe (Raxanreeb )- Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya ololaha doorasho deegaanada ee qof & cod oo dadka ay ku dooranayaan golayaasha deegaanka. Xubnaha Sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa soo saaray liiska xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Cabashooyinka ee Doorashada Golaha Degaanka. Dowlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay...
DFS oo war ka soo saaratay gaadiid siday hub oo lagula wareegay Caabudwaaq.
Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay 24-saac ka dib ka hadashay hub fara badan oo u gacan galay dadka degmada Caabudwaaq. Qoraal ay soo saartay ayay ku faahhafaahisay dowladda hubkaas halka uu ka soo galay iyo hadda waxa ay ka damacsan tahay, HALKAAN KA AKHRISO :
Cabdiraxmaan ‘’ Dowladda ha qaado masuuliyada wiixi ka dhacay Caabudwaaq ‘’- Falcelin.
Muqdisho (Raxanreeb )- Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ahna mudane ka tirsan Barlamaanka ayaa si adag uga hadlay hub fara badan oo galay gacanta shacabka degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud. Waxa uu yiri Cabdiraxmaan lagma aqbali karo madaxda dowladda inay isaga aamusaaan masiibada ka taagan degmada Caabudwaaq. ‘’Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha...
SOOYAAL | Paul Kagame oo markale loo doortay madaxwaynaha Rwanda.
Kigali (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa markii afraad noqday Madaxweynaha dalka Rwanda, isaga oo heley codad ka badan 99%, iyada oo aysan xataa 1% helin musharrixiintii la tartamay. Madaxwaynaha Rwanda ee markale la dootay ee Kagame wuxuu xilka hayaa mudd ku siman 24 sanno . Kagame, oo hogaaminayay jabhadda Jabhadda Patriotic Front ee...
JUBBALAND | magaalada Kismaayo oo lagu toogtay 5 nin oo ka tirsnaa AS.
Kismaayo (Raxanreeb )- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan. Xubnahan ayaa ka qeyb ahaa sida Maxakamdu ay sheegtay kooxda Al- Shabaab isla maraana u qaabilsanaa dilalka qorshaysan ee madax jabiska. Gacan...
Muxuu daarnaa socdaalka Guddoonka Barlamaanka Puntland ku tagay Qardho ?
Qardho (Raxanreeb )- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa Kormeer iyo xog waran guud ku soo maray Magaalada Qardho. Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Qardho Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada, Taliyaha qaybta Booliiska iyo xubno kale. Waxaana weftigu ay...
Puntland oo khatar amni ku sheegtay hub itoobiya laga keenay oo u gacan galay shacab.
Garoowe (Raxanreeb )- Shalay degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa la soo galiyay hub aad u fara badan oo sababay iska hor imaad dhaxmaray dadka deegaanka iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya. In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay – halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka oo nala hadlay....