Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay carqaladeyn iyo ishortaag la sheegay inay ku sameeyeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee shalay ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika kaas oo ka dhacayay Addis-Ababa.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Putin oo lagu eedeeyey inuu ka masuul yahay geerida hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii.
Somaliland oo gacanta ku dhigtay haweeney u gaftay ILAAHAY
Ciidamada booliska ee maamulka Somaliland, ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, (SW) falkaasi foosha xun oo ka dhalatay caro xooggan.
Mareykanka oo sheegay in uu qabtay shixnad hub ah oo Iran laga leeyahay
Mareykanka ayaa sheegay in uu qabtay shixnad hub ah oo Iran laga leeyahay oo ku sii jeeday Yemen qeybta ay Xuutiyiinta ka taliso.
Pakistan: Nawaz Sharif oo soo dhisayo dowlad wadaag ah
Xisbiga Ra’iisul Wasaarihi hore ee Pakistan, Nawaz Sharif iyo xulufadiisa siyaasadda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan dowlad wadaag ah, tallaabadaas oo soo afjari karta hubanti la’aanti ka jirtay mustaqbalka siyaasadda Pakistan.
Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo muhiim ah
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay caasimada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
DF oo war kasoo saartay howlgallo lagu dilay madax Shabaab ka tirsanaa
Howlgallo culus oo iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ayaa ka dhacay Ugunji oo hoos tagta degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.
Bahda Waxbarashada oo go’aan culus soo saaray kadib dilkii Macallinka
Bahda waxbarashada gobolka Banaadir, ayaa maanta soo saaray go’aan adag kaddib dilkii maalin kahor magaalada Muqdisho loogu gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, oo lagu dhex dilay iskuulka weyn ee Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Hay’adda duulista Soomaaliyeed: Waxba iskama baddelin maamulka hawada
War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aysan waxba iska baddalin “mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masu'ul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya”.
Ciidamada Itoobiya oo 45 qof oo rayid ah ku dilay gobolka Amxaarada: EHRC
Ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ayaa 45 qof oo rayid ah ku dilay “xasuuq” ka dhacay gobolka Amxaara, dabayaaqadii Janaayo, waxaa sidaas maanta sheegay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHCR) ee dowladda ku xiran.









