Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta sheegay inay Badda Cas ku beegsadeen Markab xamuul, taaasi ah oo weerarkii ugu dambeeyey ee noociisa ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamas ee Gaza.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Saraakiishii Imaaraatka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho oo janaaso lagu tukanayo
Sarreeye Guuto Ciisa Sayf Al-Masroori, oo ah, Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Sida ee Imaaraatka, iyo saraakiil kale ayaa janaaso ku tukaday Maxamed Al Shamsi oo ka mid ah saraakiisha lagu dilay weerar ka dhex dhacay xarunta ciidamada Imaaraadku tababaraan ee Gordan.
Askari ka tirsan ciidamada DF oo Muqdisho lagu dilay
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah, oo maanta askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka loogu gaystay degmada Dayniile xaafadda Haanta Dheer magaalada Muqdisho.
Ivory Coast oo marki saddexaad hanatay Koobka Qaramada Africa
Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay caawa Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Nigeria, ciyaarti kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattaara ee magaalada Abidjan.
Qatar oo marki labaad oo xiriir ah hanatay Koobka Asia
3 gool oo dhammaantood rigoore ahaa oo uu dhaliyay Akram Cafiif, oo ah wiilka laacibki hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, Xasan Cafiif, ayay kooxda Qaranka Qatar ku garaacday dhiggooda Urdun caawa fiidkii.
Dablay xalay weeraro ka geysatay magaalada Boosaaso
Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ee Puntland.
Puntland oo xukuntay rag iyo dumar Al-Shabaab ka tirsan
Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ah ku ridday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu helay inay qaraxyada u kala gudbin jireen kooxdaasi.
Ciidamada dowladda oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Warar dheeraad ah, oo laga helayo howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Netanyahu oo ku adkaysanaya in la weeraro Rafax
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay inuu ku amray milateriga dalkiisu inay diyaariyaan qorshe dadka rayidka ah looga daadguraynayo magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee marinka Qaza, xilli ay ciidamada Israa'iil isu diyaarinayaan inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka fuliyaan magaaladaas.
Mareykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah
Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ay xalay ku dileen, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah, oo ah urur aad u hubeysan oo Ciraaqi ah balse ay taageerto Iran.









