Saraakiishii Imaaraatka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho oo janaaso lagu tukanayo

Saraakiishii Imaaraatka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho oo janaaso lagu tukanayo

Dubia (Raxanreeb) — Sarreeye Guuto Ciisa Sayf Al-Masroori, oo ah, Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Sida ee Imaaraatka, iyo saraakiil kale ayaa janaaso ku tukaday Maxamed Al Shamsi oo ka mid ah saraakiisha lagu dilay weerar ka dhex dhacay xarunta ciidamada Imaaraadku tababaraan ee Gordan.

Janaasada iyo aaska waxaa sidoo kale ka qeybgalay saraakiil kale oo ciidan, ehel iyo dad muwaadiniin ah.

Meydka sarkaalkan iyo afar kale oo lagu dilay weerarka uu fuliyay mid ka mid ah ciidamada Soomaalida ee xerada ku jiray ayaa la geeyay Dubai shalay.

Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka laga fuliyay xarunta tababarka ciidamada Soomaalida ee Gordan.

Howlgalka uu hoggaaminayay Maxamed Al-Mansouri oo habeen hore lagu khaarajiyay gudaha Muqdisho, wuxuu soo billowday dhowr bilood kadib, markii xilka uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna laf-dhabar u ahaa qorshaha nabad ku soo dabaalidda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Sheekh, ayaa xukunka yimid iyadoo madaxdii ka horeysay ay joojin waayeen weerarrada Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, maalin kastana waxaa caasimadda ka dhacayey dilal toos ah iyo qaraxyo dadka Soomaaliyeed loogu laayey si arxan darro ah.

Qorshihii amni ee dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dejisay waxaa maalgelin, tababarro ciidan iyo qibrad, intaba looga helay dowladda Imaaraadka, waxaana galkaas gacanta ku hayey Korneyl Maxamed Al-Mansouri oo xalay uu dilay askari Soomaaliyeed.

Dhowrkii bilood ee sarkaalkaas uu ku sugnaa Muqdisho, waxaa lagu guuleystay xakameynta qaraxyadii iyo dilalkii argagixisada, waxaana caasimadda loo tababaray ciidan u howlgala hanaan Boolis-militeri ah, kuwaas oo Imaaraadka ka hela mushaar gaar ah iyo saanadda ay ku howlgalaan.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri ayaa dhabar-jab culus ku ah howlgalkii Imaaraadku ka waday Soomaaliya, waxaana sarkaalkaas toogtay oo si bareer ah nolosha u dhaafiyey mid ka mid ah askar cusub oo Soomaaliya uu u tababaray, kuwaas oo dhawaan hubkooda loo qeybiyey mushaarkoodana loo bilaabay.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri kadib, waxaa soo baxay warar sheegaya in sarkaalkaas oo isku qaabilsanaa howlgallada Imaaraadka ee Muqdisho iyo dalka Yemen, taas oo muujineysa muhiimdda uu dalkiisa u lahaa Korneyl Al-Mansouri.

Kooxda Al-Shabaab oo aad u neceb dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu fuliyey askarigaas ku tababartay xerada Jeneraal Goordan, balse ma jirto cid xaqiiji karta in aakarigaas uu gacan saar la lahaa argagixisada, maadaama aysan suurta-geli in la wareysto, waxaana lagu toogtay is-rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii kale ee ku sugnaa xerada.

Dilka saraakiishii Imaaraadka, wuxuu Soomaaliya ku yahay mid kamid ah xujooyinkii ugu cuslaa ee dalkaan uu wajaho, waxay toogashadaasi u soo jiidi kartaa Soomaaliya sumac-darro weyn iyo aaminaad la’aan dhanka amniga ah.