Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah, oo maanta askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka loogu gaystay degmada Dayniile xaafadda Haanta Dheer magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa geystay askari kale oo isna ka tirsan kuwa dowladda sida uu xaqiijiyay qof goob jooge ahaa.
Goobjoogaha ayaa yiri “waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgara-waa ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen”.
Askariga ayaa dhaawac soo gaaray sartii u geeriyooday sida uu xaqiijiyay goobjoogaha askariga ayaana waayay qof qaada sidaa darteed dhiig bax ayuu u geeriyooday.
“Ninka askariga ahaa wax qaado ayaa la waayay annagana shacab ayaa iska ahayn, waana ku dhiiran weynay inaan qaadno” ayuu yiri.
Wuxuu intaasi kusii daray in maydka marxuumka uu halkaasi yaallay kuwa dilayna ay mooto ku baxsadeen.
“Sodon daqiiqo ninka nafta waa ku jirtay ka bacdi ayuu dhintay muddo dheer maydkiisa wuxuu iska yaalay laamiga qarkiisa” ayuu yiri mar kale goobjoogahaasi.
Ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku saabsan dilka askariga loogu geeystay haanta dheer ee Dayniile.
Caasimadda Muqdisho, ayaa inta badan ka dhex dhacaa ciidamada dowladda dhexdooda is faham waa kadibna la isugu adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan halkaas oo uu ka dhasho khasaare kala duwan dhimasho dhaaqac iyo bur bur hanti dadweeyne.