Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Sanbaloolshe oo gaaray Maxaas
Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdigan.
Mareykanka oo beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Cuba
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.
Madaxweyne Biden oo wiilkiisa maxkamad danbi culus ku heshay
Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu helay dambi ah inuu ka been sheegay isticmaalka daroogada markii uu iibsanayay qori.
Xasan Sheekh iyo ra’iisulwasaaraha Norway oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Oslo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha dalka Norway, Mudane Jonas Gahr Støre.
Madaxweyne ku xigeenka Malaawi iyo dhammaan cidii saarneed oo ku geeriyooday Diyaarad lala’aa
Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarad militari oo la waayay isniintii ayaa "ku dhintay shilkaasi diyaaradeed ",.
Roobow oo kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan.
DF oo amar ku bixisay in 10 maalin qoysaska ehelkoodu ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku faagtaan
Masu’uliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir ahna ku simaha duqa Muqdisho, Yuusuf Jimcaale Madaale, iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad, maanta oo Isniin ahayd, ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
In ka badan 80 qof oo lagu dilay bariga Congo
Tirada dhimashada ayaa gaareysa 41 kaddib weerarkii ay xagjiriinta jimcihii ku soo qaadeen tuulooyin ku yaal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sidaasina waxa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Congo.
Khilaafka Qaramada Midoobay iyo Israel oo cirka isku sharewray
Khilaafka u dhexeeya Israel iyo Qaramada Midoobay ayaa sii xogeystay kaddib markii militeriga Israel ay Qaramada Midoobay ku dartay liiska kuwa ku xadgudubo carruurta.









