Axmed Madoobe oo kulamo ka bilaabay magaalada Nariobi

Nariobi ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha  dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, oo ku sugan magaalada Nariobi ayaa bilaabay kulamo kala duwan uu la qaadanayo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu  xubnaha beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida kala hadli doono xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland.

Kulamada ayaa intooda badan waxa ay noqon doonaan kuwa diirada lagu saaro siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dowladda federaalka ee dhanka maamulka Jubbalad oo khilaafkoodu uu marayo meesha ugu sareeysay.

Socdaalka uu Axmed Madoobe ku tagay magaalada Nairobi, ayaa ku soo beegmaya xili weli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka ee ku aadan hanaanka doorashada uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu doortay sannadkii hore magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.