Hiiraan ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay khasaaraha kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii 48 saac lee lasoo dhaafay ka dhacay degaanada xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray ciidamada xoogga dalka iyo Macawiisleyda gobolka Hiiraan, oo jab xooggan gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday deegaanada ku yaalla xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
“Kooxaha Khawaarijta ayaa looga dilay dagaalkaas in ka badan 70 canaasirtooda ah, waxaana sidoo kale halkaas looga furtay hub farabadan. Waa jabkii labaad oo muddo laba todobaad dhexdood ku dhacay Kooxda Khawaarijta”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.
Geesta kale qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay ku jibiyeen Al-shabaab isku daygii ay ku dooganayeen in ay isku ballaariyaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxa ayna hadda ku baacsanayaan deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada huwanta ah ku amaantay sida geesinimada leh ay u muujiyeen dagaalka, waxa ay tilmaamtay inay ka go’an tahay in la ciribtiro kooxda Al-shabaab.
Leave a Reply