Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo baajiyay fadhigii ay yeelan lahaayeen xiisad ka dhalatay joogitaanka Itoobiya.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo baajiyay fadhigii ay yeelan lahaayeen xiisad ka dhalatay joogitaanka Itoobiya.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Fadhigii loo ballansanaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta baaqday, kaddib markii ay cirka isku sii shareertay dooda ka dhalatay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka. Baajintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca iyo ismaandhaafka ka dhex jira Mudanayaasha Baarlamaanka (Xildhibaannada) ee ku saabsan saamaynta Itoobiya iyo doorka ay ku leedahay gudaha Soomaaliya, taasoo keentay in la isu diyaariyo mooshin ay xildhibaanadu ka keenaan.

Sida aan Wararka ku heleyno Hoggaanka Baarlamaanka Federaalka ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo kalfadhiga, si looga hortago in dooda ay isku badasho. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay arrintan, iyadoo qaarkood ay walaac ka muujiyeen faragelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo baarlamaanka dhexdiisa ah, taasoo keentay in lagu baaqo in mooshin rasmi ah laga keeno dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ee dalka.

Si loo maareeyo xiisada isa soo tareysa, ayaa hogaanka Baarlamaanka waxa ay sidoo kale ka mamnuuceen Xildhibaanada inay shirar jaraa’id ku qabtaan gudaha Xarunta Golaha Shacabka, waxa ayna ka mamnuuceen Warbaahinta madaxa banaan in Xildhibaanada ay ku wareystaan ​​banaanka Xarunta. Talaabadan ayaa dhalisay doodo hor leh, iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay dhaleeceeyeen xaddidaadda xuriyatul qawlka iyo hufnaanta.

Baaqashada kulanka baarlamaanka ayaa loo arkaa go’aan istiraatijiyadeed oo ay leeyihiin hoggaanka baarlamaanka si looga hortago khilaaf hor leh inta uu socdo. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in hogaanka uu ku howlan yahay sidii uu ku xalin lahaa kala aragti duwanaasho ka baxsan kalfadhiga caadiga ah ee baarlamaanka si looga fogaado carqaladeynta shacabka.

Go’aanka lagu xadiday warbaahinta ayaa soo jeedineysa in Baarlamaanka uu maareeyo mowduucyada xasaasiga ah, iyadoo dad badan ay hadda is weydiinayaan heerka hufnaanta ee wax ka qabashada tabashooyinka ay soo gudbiyeen xildhibaanada. Warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegtay in la xadiday wareysiyada laga qaadayo Xildhibaanada, gudaha iyo dibadda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.