Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dhameystirka dib u-eegista dastuurka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si aqlabiyad u ansixiyay dhameystirka dib u-eegista dastuurka dalka, kaasi oo qabyo ahaa tan iyo sannadkii 2012.

Fadhiga maanta oo ay soo xadireen inta badan xildhibaanada labada aqal, ayaa ahaa mid xasaasi ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay hareer fadhiyeen guddoomiye ku-xigeenada labada aqal, ayaa ku dhawaaqay in natiijada xildhibaanada u codeeyey dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 185 xildhibaan oo katirsan golaha shacabka iyo 37 senator oo aqalka sare, iyada oo mid kamid ah uu ku codeeyay hab online ah.

Isku geynta 222 xubnood oo katirsan labad aqal ayaa codka kalsoonida  siiyay dastuurka, mana jiro xildhibaan diiday, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe.

Sikastaba, ansixinta dastuurka ayaa soo afjarmeysa 14 sanno oo daka dastuur KMG ah uu ku shaqeynayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.