Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo inuu u codeeyo dastuurka dalka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u codeeyaan cutubyada ugu danbeeya ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo dooddooda lasoo gabagabeeyay maalin ka hor.

Warar hordhac ayaa intaas ku daraya in Baarlamaanka uu fasax galo inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, balse kahor fasaxaas in uu u codaynayo cutubyada ka dhiman Dastuurka Dalka ee akhrinta iyo doodda la marsiiyay fadhiyadii lasoo dhaafay.

Sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan, Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa marka uu codayntaas helo kaddib waxa uu Xildhibaannada iyo senatarrada siinayaa fasaxa Ramadaanka iyo maalmaha ciiddul-Fitriga.

Dhameystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo muddo qaadatay waxaa howshaas kasoo shaqeeyay Guddiyo loo xilsaaray oo isugu jira mid madaxabannaan iyo kan Baarlamaanka, doodo kala duwan ayaa lasoo geliyay iyada oo ugu danbayn Aqalka Baarlamaanka la geeyay.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaanno iyo Senatarro mucaaradsan howshaan laga wado Dastuurka Dalka isla markaana buuq ay ka sameeyay fadhiyo hore looga ganaaxay dhowr kulan, hayeeshe ma aysan joogin Dastuurka xiliga geeyo Baarlamaanka lagana doodayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.