Kismaayo ( Raxanreeb Online) Banaan-bax ballaaran oo loogu soo horjeedo dowladda Turkiga, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Kismaayo iyo Afmadoow ee maamulka Jubbaland.
Dibax-baxayaasha ayaa muujiyay in ay ka soo horjeedaan duqeyntii degmada Doolow, oo ay madaxda Jubbaland horay ugu eedeeyeen dowladda Turkiga.
Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Turkiga, isla markaana dalbanayay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya, ayna dhowrto midnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya.
Sikastaba, Bannaanbaxyada Jubbaland ayaa ku soo beegmay xilli dood xooggan ay ka taagan tahay doorka Turkiga ee Soomaaliya. Ankara iyo Muqdisho ayaa leh xiriir dhow oo ay ku jiraan iskaashi dhinacyada amniga iyo difaaca, halka heshiisyada labada dal ay sidoo kale dhaleeceyn iyo taageero kala duwan ka dhex abuureen bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply