Shirka madasha Istiraatijiyadda Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Shirka madasha Istiraatijiyadda Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb gelaya hay’adaha dowladda, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, waxaa daah-furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, waxaana khudbado muhiim ah ka jeedinaya Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim, Wasiirrada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada Dalka, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kamid danjirayaasha caalamka ee Soomaaliya.

Madashan oo hal ku dhigeeda yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah” ayaa looga hadlayaa xoojinta isku-duwidda isgaarsiinta, lagu horumariyo isgaarsiinta dadweynaha, laguna dhiso kalsoonida bulshada.

Madashaan waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaan looga hadlayaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacameedka (AI) ee dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta.

Madasha ayaa ah fursad ay daneeyayaasha kala duwan ku wadaagayaan maanta iyo berri fikrado, waayo-aragnimo iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo la jaanqaadda isbeddellada dhijitaalka ah, isla markaana door muuqda ka qaadata horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.