Ciidanka difaaca cirka ee Baxrayn ayaa Axadii ku dhawaaqay in ay ka hortageen oo ay burburiyeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Ciidamada Baxrayn ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen: “Tiro gantaallo ah oo loo adeegsaday weerarradan halista ah ee Iran ayaa la qabtay oo la burburiyey” waxayna qoreen in ciidamada milateriga ee waddanku ay ku sugan yihiin “heegankii ugu sarreeyay”.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa saacado ka hor bayaan ay soo saareen ku sheegay in iyaga oo ka jawaabaya weerarada uu Mareykanka ku qaaday dhulkooda ay la beegsadeen Saldhigga Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka ee Baxreyn iyo sidoo kale Saldhigga Mareykanka ee Cali Al-Salem ee Kuweyt.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu bilaabay weeraro cusub oo ka dhan ah dowladda Iran.

Leave a Reply