Deni oo bilaabay kulamo looga arrinsanayo culayska siyaasadeed ee ka dareemayo ciidanka federaalka ee…

Garoowe ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ka bilaabay kulamo la xiriira culasyada uu ka dareemayo ciidamo katirsan dowladda federaalka ee ku sugan deegaano kamid ah maamulkaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in sacaadaha soo socda lagu wado in Deni uu kulamo la qaato Odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka si uu ugu bandhigo caqabadaha laga filan karo ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanada Puntland.

Siciid ayaa xubnahaas kala hadli doona sidii ay kaalintooda uga qaadan lahayeen xal u helida arrintan oo sababi karta dagaal.

Hoggaamiyaha Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa inta badan khudbadaha uu jeedinayo kaga hadalayay sida dowladda federaalka ay ciidamada ugu aas aastay gudaha Puntland, isaga oo ka digay in ciidankaas ay u adeegaan danaha madaxweyne Xasan Sheekh uu ka lee yahay Puntland.

Sidoo kale Deni ayaa wacad ku maray in ay sii jiri doonin ciidanka dowladda federaalka ay ka abaabushay deegaanada Puntland.

Geesta kale siyaasiga mucaaradka Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa dhowaan mar uu ka hadlayay magaalada Garoowe, waxa uu si cad ah u sheegay in ciidanka dowladda ay qarameysay ee ku sugan Puntland aysan dhib ku aheyn jiritaanka Puntland, waxa uuna eedeeyn u jeediyay Siciid Deni oo uu tilmaamay in Puntland uu ku wado wadadii burburka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.