Baxrayn oo xabsiga dhigtay xubno ku falan qeynayey Youtube-ka diinta Islaamka

Baxrayn (Raxanreeb) — Saddex xubnood oo ka tirsan bulshada oo ka hadla arrimaha diinta iyo dhaqanka ee Baxrayn, oo u ololeeya in si furan loogga hadlo arrimaha Islaamka, ayaa lagu xukumay xabsi.

Waxa lagu dacweeyay iney ku xadgudbeen sharciga wax xalaalaynta ee diinta laga aqoonsan yahay dalka Bahrain, oo ay ku jiraan Quraanka iyo Baybalka.

Hay’adaha u doodda xuquuqul insaanka, ayaa sheegay in raggan loo geystay jir dil, taasoo ay u keentay xorriyadda hadalka ee ay ku dhaqaaqeen.

Ururka ayaa wuxuu sheegay in arrintani ay hurinayso rabshado ka dhan ah xubnahooda.

Barnaamijyo taxane ah oo lagu baahiyey barta Youtube-ka, ayey Jamaacada Al-Tajdiid ku soo bandhigtay su’aalo la xiriira, aragtida shareecada Islaamka iyo fikradaha ay qabaan culimada Islaamka.

Kooxdan ayaa ah Muslimiin Shiico ah oo u badan shacabka Baxreyn, inkastoo qoyska talada haya uu yahay Muslim Sunni ah.

Balse wadaadada caanka ah ee Shiicada, ayaa si weyn uga soo horjeestay ururkaasi, iyagoo ku tilmaamay in shaqada ay hayaan ay tahay mid gaf ah, waxayna dalbadeen in xubnaha Al-Tajdiid laga saaro.