BFS oo soo jeediyay in $200 mushaharkooda ugu deeqaan Xildhinaad Marwo oo u tartameysa…

BFS oo soo jeediyay in $200 mushaharkooda ugu deeqaan Xildhinaad Marwo oo u tartameysa…

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Xildhibaan Marwa oo u sharaxan xilka Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, taas oo Soomaaliya uga faaideysan karto arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda, iyo go’aano masiiri u ah dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaadey in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad marwo oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.