Maax oo xilka loogu qaaday ‘’Buuqii’’ uu ka dhaliyay lahjadda Maayga darteeda

Maax oo xilka loogu qaaday ‘’Buuqii’’ uu ka dhaliyay lahjadda Maayga darteeda

Muqdisho  (Raxanreeb ) Buuq badan ayaa ka dhashay hadal qoraal ah oo ka soo baxay Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta kaas oo salka ku hayay in Dastuurka laga saaro lahjada Maayga.

Siyaasiin badan ayaa dalbanayay in Dowladdu talaabo ay ka qaado shaqsiyaadka ku lugta leh in warqadadaas ay ka soo baxdo Akeediyada taas oo keentay in ay soo baxaan dhaleecayn xooggan.

Guddoomiye Maax ayaa warqadaasi ku dalbaday in Afka Maay-ga ah in gebi ahaanba laga tiro dastuurka Soomaaliya, oo Maxaa Tiri lagu soo koobo, isaga oo ku tilmaamay Afka May-ga inuu yahay af guri

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax.

Siyaasiinta KGS ayaa dalbaday in wax badan laga bedelo hanaanka ay u shaqayso Akeedimayda Fanka iyo Suugaanta ka dib  buuqa badan ee ka dhashay in Dastuurka in laga saaro afka Maayga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.