WARCUSUB : Waxaa lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn $4.5 B ah.

WARCUSUB : Waxaa lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn $4.5 B ah.

Muqdisho (Raxanreeb ) Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida, kaddib markii dhowaan dowladdu ku guuleystay in dalka laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed 31 ka sano isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.

Intii aysan Soomaaliya burburin waxaa waddanka deyn ahaan loogu lahaa lacag ku dhow $300 milyan. Muddadii dheerayd ee burburka lagu jiray deymahaas waxaa kor fuulay dulsaar (arrears) gaaraya $5 bilyan, taas oo wadarta deynta dalkeena lagu leeyahay gaarsiisey $5.3 bilyan.

Kadib da’daal dheer iyo ka go’naasho ay muujiyeen madaxda qaranka iyo gudiyadda farsamo ee hay’adaha kala duwan ee dalka oo uu ka mid yahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaa ugu danbeyn lagu guuleestay hannaankii deyn cafinta. $4.5 billion ayaa Soomaaliya laga cafiyay.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mid ahaa hay’adihii sida dhow ula shaqeeyay kana faaiday dib-u-habaynta nidaamka deyn cafinta taas oo suurto-galisay inuu Bankiga noqdo mid u shaqeeya qaab casri ah, hirgaliya nidaamyo badan oo wax ku kordhiyay hannaanka maaliyadda dalka.

Guulihii ugu weynaa ee lagu guuleystey in la hirgaliyo waxaa ka mid ah; hirgelinta nidaamka lacagta bixinta Qaranka iyo habka Koontooyinka ee Caalamiga ah ee loo yaqaano (IBAN). Hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ugala shaqeeyay dowladda in heerkaan la soo gaaro waxaa ka mid ah; Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bangiga Adduunka (WB), iyo Bangiga Horumarinta Africa (AfDB).

Deyn cafinta kadib, waxaa muhiim ah in dowladdu awooda saarto bixinta iyo xoojinta adeegyada loo fidiyo shacabka, maalgashiga kaabayaashaa dhaqaale iyo amuuraha waxtarka u leh kobcinta karaanka adaanaha, sida xoojinta adeegyada waxbarashada, iyo caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.