Cabdikariin Guuleed: “Wadahadallada aan daadihin doonno waxa aan rabaa in hoos loogu daadego lana dillaaciyo boogta”

Cabdikariin Guuleed: “Wadahadallada aan daadihin doonno waxa aan rabaa in hoos loogu daadego lana dillaaciyo boogta”

Muqdisho (Raxanreeb) — Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka mira-dhalinta wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland si xal loogu helo tabashooyinka jira.

Guuleed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Gobollada Waqooyi lagala hadlo tabashooyinka ay qabaan si looga gudbo caqabadaha jira ee u baahan in xal rasmi ah laga gaaro, taasi ayuu tilmaamay in lagu gaari karo in si dhab ah loo booga-dhayo tabashooyinka jira.

“Reer Somaliland Dad meel cidlo ah ka duday ma ahan, waxa ay tabanayaan oo ay goconayaan oo uur ku taallo ku noqotay ayaa jira, waxaas waxa ay u baahan tahay in lagala hadlo lagana garaabo si walaalnimo & Dadnimo ku jirto” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ergayga MW JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in sababta hoos loogu daadegayo wadahadalka & Tabashooyinka ay tahay in meel lagu soo xiro dhammaan waxyaabaha keenay in Somaliland dhibaatooyin tirsato.

“Aniga marka wadahadallada aan daadihin doonno haddii alle idmo waxa aan rabaa in hoos loogu daadego waxa dhabta ah ee jira, in dhaawaca korkiisa aan la dhayinee ee la dilaaciyo boogta oo laga gungaaro waxa tabashadu tahay & waxa xalkeeda dhabta ah tahay si aysan berri dib ugu soo laaban” ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay in uu noqdo Ergay si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Somaliland, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Muuse Biixi, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe & mas’uuliyiinta kale ee Xilalka ka haya Dowladda Federaalka ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa billaabay kulamo uu ku saldhigayo howsha adag uu igmaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u raadiyo dhabbaha wadahadalka dib loogu soo celin karo waxa uu billaabay kulamo uu la qaadanayo dhinacyada uu u arko in ay door ka qaadan karaan howshaas.