Cabdiraxmaan Cirro musharrax Xisbiga Waddani oo digniin u diray Maxkamadda sare

Cabdiraxmaan Cirro musharrax Xisbiga Waddani oo digniin u diray Maxkamadda sare

Hargeysa (Raxanreeb) — Iyadoo shalay guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland uu maxkamadda u diray dalab u aaddan kala caddeynta habka loo galayo doorashooyinka iyo tan lagu hormarayo, ayaa musharrax xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro waxaa uu sheegay in xaaladaha taagan looga bixi karo doorasho la isla oggol yahay.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay,”Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu”

Sidoo kale wuxuu sheegay “awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan,”.

Cabdiraxmana Cirro ayaa uga digay Maxkamadda sare in ay abuurto khilaaf hor leh oo cusub, iyadoo lagu jiro sida uu ku sheegay qoraalkiisa xaalado kala duwan oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.