Cabdweli Gaas & Cumar Cabdirashiid oo warmurtiyeed ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Cabdweli Gaas & Cumar Cabdirashiid oo warmurtiyeed ka soo saaray doorashooyinka Puntland

Garowe (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Cali Gaas ahna Madaxweynihii hore Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, iyaga oo warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladihii u dambeeyay ee Puntland.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen laba mas’uul oo ka koobnaa laba Bogg ayaa diiradda waxa ay uga hadleen doorashooyinkii ka dhacay Puntland iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Garoowe.

Gaas iyo Cumar ayaa sheegay in la joojiyo furista dastuur, lana qabto doorashooyinka ka dhiman Nugaal lana dhaafin 8-da Jenuary oo ah muddadii loo asteeyay in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Qodobada ka soo baxay shirka jaraa’id ay qabteen Labadaan mas’uul ayaa kala ah:

  1. In sida ugu dhakhsaha badan looga qabto doorashada golaha deegaanka saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka harsan degmooyinkii la diiwaangeliyey.
  2. In sagaalka (9) urur siyaasadeed ee ka diiwaangashan Puntland ay noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland muddo ah shan sano kana qayb galayaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda.
  3. In doorashadu u furantahay qof kasta oo si iskiis ah u noqonaya musharax Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo Xubin Baarlamaan (Independent Candidates).
  4. In doorashada Xildhibaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hogaanka dhaqanka ee goboladaas.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Cali Gaas ahna Madaxweynihii hore Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay deegaannada Puntland ka wada dhaqdhaqaaqyo nabadeed.