Ciidamada DF iyo kuwa macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada deegaano ka tirsan Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maanta howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Goobaha maanta laga sameeyay ee hawlgalka waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah, iyada oo hadda ku sugan yihiin Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta gaaray tuulooyinkaas.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalka, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in Ciidanka Dowladda ay ku sii jeedaan Degmada qadiimiga ee Ceelbuur.

Ciidamada Dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaar ka mid deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, iyada oo Wasaaradda Difaaca ay shaacisay Sabtidii in Ciidanka Dowladda ay la wareegeen deegaan dalxiiseedka ee Budbud.