Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartuum

Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartuum

Khartuum (Raxanreeb ) Magaalada Khartuum Caasimadda Suudaan waxaa hoygiisa lagu weeraray Safiirka Midowga Yurub ee Dalkaas Aidan O’Hara waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan EU-da.

Diblumaasigaan u dhashay Ireland ayaa la shaqeeyay in dhaawiciisa uu yahay mid fudud oo aan halis badneed kaddib markii koox hubeysan oo loo maleyno in ay tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ay weerartay.

“Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin.

Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”.

Ugu yaraan 190 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen ku dhawaad 2,000 oo qof waxaana intaas ka badan kara tirada lasoo gudbiyay sababo la xiriira in ay jiri karaan dad ku xayirmay goobaha dagaalka ka socdo.

Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta & waddamo kale ayaa koox koox iyo shaqsi shaqsi uga hadlay xaaladda murugsan ee Suudaan, waxa ay labada dhinac ee is haya usoo jeediyeen in ay wadahadlaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.