Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad, ay ka sameeywen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha.
Howlgan ayaa ahaa mid ballaaran oo ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho, iyo Afgooye, waddadaas oo inta badan hareeraheeda lagu aaso miinooyin kuwaas oo lagu dhibaayeeyo shacabka adeegsada waddadaasi.
Ciidamadan ayaa sheegay in howlgalka ujeeddadiisu ahayd in lagu sugo amniga caasimadda iyo deegaannada ku teedsan magaalada Muqdisho.
Howlgalkan inta uu socday ayaa lagu soo qabqabtay dad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu sameynayo baaritaano si loo hubiyo inay qeeyb ka yihiin iyo inkale.
Saraakiisha howlgalka fulineysay ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan howlgallada lagu sugayo amniga kuwaas oo inta badan weerarada laga soo abaabulo deegaannada ku dhow Ceelasha.
Deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa haatan waxaa ka howlgala ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, iyo kuwa xasilinta caasimadda ee Boolis Milatari, loo yaqaano kuwaas oo dhowaan dalka Uganda, lagu soo tababaray.
Howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda kuwaas oo inta badan ka dhaca gudaha caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa wax badan ka baddelaya amniga Muqdisho, oo inta badan ka dhici jireen qaraxyo iyo weeraro abaabulan.
Ciidamada xasilinta ayaa Muqdisho kusoo kordhiyay sugidda amniga oo si saxan loo sugo iyadoo ay meesha ka saareen Ciyaal Weero oo maalin kasta dhac iyo dil isugu dari jiray dadka shacabka ah, ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho kuwaas oo hadda la baabi’iyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab, oo laga saaray deegaano badan oo ay maamuli jireen ku dhowaad 17 sano oo toos ah.
Soonaaliya, oo dhowaan laga qaaday xayiraadda hubka taas oo saarneed inkabadan 31 sanno oo xiriir ah, xayiraadda hubka ayaana la saaray 1992.
Khubarada, amniga ayaa sheegay in kaalin lixaad leh ay ka qaadan doonto ciribtirka Al-Shabaab, ka qaadista cunaqabateeynta hubka ah.