Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland, ayaa la wareegay xerada ay ku sugnaayeen ciidamada PSF (Puntland Security Force) ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaal saakay ka dhacay magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen xerada, kaddib dagaal culus oo ka dhacay xerada, kaasi oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada PSF ay isaga baxeen xerada ka hor intii aan la wareegin.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayay Puntland kusoo bandhigtay gaadiid dagaal iyo hub oo xerada yaalla, isla markaana la sheegay inay lahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PFS ee taabasan dowladda dhexe.
Sidoo kale, warbaahinta deegaannada Puntland ayaa tebisay in qaar kamid ah ciidamada PFS-ta ee dagaaka ku jiray ay is dhiibeen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyada dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
La wareegista xeradan ayaa daba socota xiisado soo jiitamayay oo u dhexeeyay maamulka Puntland iyo ciidamada PSF, kuwaas oo sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay.

Leave a Reply