Soomaaliya iyo Pakistan oo yeeshay shir lagu xoojinayay xiriirka labada dal

Cammaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha ay labada dal wadaagaan.

Inta uu kulanka socday ayaa labada hoggaamiye waxa ay diirada sareen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo mudnaanta horumarinta bulshada.

Kulankan labada wasiir ayaa ka dhacay magaalada Cammaan, halkaasi oo uu ka socdo shir caalami ah oo ay marti-gelisay dowladda Jordan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.