Ciidamada xoogga oo dagaal culus ku qaaday goob ay isku aruursanayeen Shabaab

Ceel-baraf ( Raxanreeb Online) Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo isku aruursanayey duleedka degmada  Ceel-baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarka ayaa yimid kadib markii saraakiisha ciidanka ay xogtaan ka helaan dadka deegaanka oo wadashaqayn dhow la leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Weerarka ay saakay Ciidamadu ku qaadeen waxaa lasoo sheegayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyey dagaalyanadda kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiil katirsan ciidanka xoogga, ayaa tilmaamay in weeraran uu lagu burburiyay gadiid dagaal oo ay kooxdu wateen.

Sikastaba, dagaalkan maanta ka dhacay duleedka degmada Ceel-baraf ayaa ku soo aadaya iyada oo furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, uu ku sugan yahay Taliyaha ciidanka dhulka, una tagay halkaasi dhiirigelinta ciidamada howlgalka wada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.