Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah kooxda AS, ka sameeyay Shabeellaha Hoose

Afgooye ( Raxanreeb Online) Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa sheegay in ay ku burburiyeen goobo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku la hayeen deegaano hoostaga degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale howlgalka ayaa tilmaamay inu u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxa ayna ciidanka ku guuleysteen in qabashada deegaano in muddo ah ay ku sugnayeen maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.