Puntland oo Galmudug ku eedeeysay inay taageerto ciidamo wax u dhimaya amnigeeda

Puntland oo Galmudug ku eedeeysay inay taageerto ciidamo wax u dhimaya amnigeeda

Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray xaaladda amniga ee deegaannada ay xuduudda la wadaagaan maamulka Galmudug, iyadoo ku eedeysay maamulka Galmudug in deegaanadeeda laga soo abaabulo maleeshiyaad carqaladeynayo amniga Puntland.

Sida lagu sheegay bayaanka Puntland, ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Galmudug, isla markaana ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna sheegtay Puntland in ay ugu baaqeyso in Galmudug ay qaaddo tallaabooyin lagu hubinayo inaan deegaannadeeda looga abaabulin falal amni-darro.

Dhanka kale, ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo si toos ah uga jawaabaya eedeymaha ay Puntland soo jeedisay ee ku aadan in maleeshiyaad hubeysan ay dhibaato amni darro ku hayaan shacabka Puntland.

Sikastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan iyo falalka amni-darrada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.