Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud abuurida burcad Badeed hubeysan oo weeraro ku qaaday gaadiid badeed isticmaalaya biyaha caalamiga ah iyo Xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay in ay Xasan Sheekh uu Soomaali kala diray, laguna xadgudbay oo laburburiyey nidaamkii Federaalka ee heshiiska lagu lahaa, dhammaan maamulada dalka ka jira lagu wada duulay sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay si cad uga hortimi, isla markaana aysan aqbali doonin afduub siyaasadeed iyo mid sharciga dalka loo geystay oo ay ka dagaalamayso.
“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hanaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hanaankii federalka iyo maamulada kajira dalka” ayuu yiri Siciid Deni.
Sidoo kale Deni oo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweynihii hore si bareer ah u abuuray Burcad-badeed, wuxuu horay duullaan hubaysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku diley muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey ka sameeyey Magaalada Baydhabo isagoo meesha ka saaray hanaankii maamul ee ka jirey Koonfur Galbeed”Ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni.
Hadalka madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa ku soo aadaya xili xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareereyso, isla markaana mucaaradka iyo dowladda federaalka ay meel adag kala taagan yihiin, sidoo kalana ay burbureen wada-hadalo ay dhinacyado sheegeen kuwaasi oo looga hadlayay arrima doorashooyinka.

Leave a Reply