Ciidanka dowladda iyo xubno katirsan Shabaab oo weli ku dhex dagaalamaya hotel Qaahira

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Faaf faahino  dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya weerarkii  saakay kooxda Al-shabaab ay ku qadeen  Hotel Qaahira ee ku yaalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Warar hordhac ayaa sheegaya in weerarka ku dhintay  10 qof oo ay ku jiraan Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, waxaana weerarka ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Xilliga uu Weerarkan ka dhacayay hoteelka Qaahira, ayaa waxaa ka socday kulan ballaaran oo lagu gorfeynayay howlgallada dalka ka socda iyo shir kale oo arrimaha siyaasada quseeya.

Weerarkan hoteelka Qaahira, oo markii hore ku biloowday gaari walxaha qarxa, ayaa la sheegay inay xigeen Afar dagaalame oo gudaha u galay hoteelka, waxaana wali soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda ku jirta gudaha hotelka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.