Ciidanka Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay Calmiskaad

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal u dhaxeeyay ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno katirsan Daacish, ay weerar ku qadeen fariisin ciidanka Puntland jogeen, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad socday dhowr iyo toban daqiiqo, sida dadka deegaanka ay shegeen.

Askar ku dhaawacntay dagaalka ayaa la sheegay in la geeyey goobaha caafimaad ee Puntland, hayeeshee ma jirto ilaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada oo looga hadlayo khasaaraha dagaalka uu geystay.

Bishaan oo kaliya kooxda Daacish, ayaa tiro 5 jeer ah waxa ay weerar gaadmo ah ku qaaday ciidanka Puntland, taasi oo loo arko in weli Daacish ay ku sugan tahay deegaanada ku yaalla buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.