Wasiiradda Jaamacadda Carabta oo si adag uga soo horjeestay tallaabo ay qaaday Somaliland

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa looga hadlay bayaan kasoo baxay wasiirrada arrimaha dibadda ee Jamaacaradda Carabata ay kaasi oo ay uga soo horjeesteen go’aanka ay Somaliland safaarad ugu sameysaneyso magaalada Qudus.

Bayaanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Boqortooyada Hashimiyiinta ee Urdun, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Jabuuti, Dowladda Falastiin, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Yemen, Jamhuuriyadda Lubnaan iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, kaas oo si adag loogu cambaareeyay tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee ay qaaday  Somaliland ee ku saabsan furitaanka wax loogu yeeray safaarad ku taalla magaalada Qudus ee la haysto.

Sidoo kale bayaanku ayaa markale dowladaha ku xaqiijiyeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay si cad ugu xadgudbayaan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada khuseeya ee caalamiga ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayaan xaaladda sharci iyo mida taariikheed ee magaalada Qudus ee la haysto.

Hooska Akhriso qoraalka oo dhameystiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.