Ciidankii taabacsanaan Lafta-gareen oo duqeyn lala beegsaday

Naaxo ( Raxanreeb Online) Ciidamadii taabacsanaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa heegan sare lagu geliyay fariisimahooda ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in xalay diyaarado ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Naaxo, oo ku dhow fariisimaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda lama xaqiijin cidda lahayd diyaaradda iyo bartilmaameedkii ay duqeyntu ku wajahneyd, sidoo kalena ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda la sheegay in lagu garaacay deegaanka.

Xaaladda duleedka magaalada Baydhaba ayaa hadda kacsan, iyadoo ciidamada Daraawiishta lagu soo warramayo inay heegan ku jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.