Dabageed oo Guudlaawe uga adkaaday Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Jowhar (Raxanreeb Online) Madaxweyne ku Xigeenka Hir-shabdelle Yuusuf Axmed  hagar  (Dabageed) iyo Gudoomiyahii Hore Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa isku Qabsaday dhaqaalaha Kasoo Xaroodo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif,Taasi Oo Sababtay in Ugu Dambeeyn Xilkiisa uu ku Waayo Gudoomiye Muuse.

Yuusuf Dabageed oo ah Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle ayaa markii ugu horeysay cali Guudlaawe kaga adkaaday Magacabista Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.

Dhiiranaanta Yuusuf Dabageed ayaa sababatay in looga dambeeyo arimaha Gobalka Hiiraan oo ay maanta ugu horeeysay in xilkii laga qaado Gudoomiye Muuse Salaad kaas uu Madaxweyne Guudlaawe diidanaa in mudo ah in xilka laga xayuubiyo.

Tallaabadaan uu la yimid Yuusuf Dabageed waxaa ay ku soo aadeysaa xili maamulkiisa uu waqtiga ka dhamaaday,isla markaana magaalada Jowhar ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo doorashada ku soo foodleh maamulka Hirshabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.