Dagaal culus oo saakay markale dib uga qarxay deegaanka Abooreey

Abooreey ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Abooreey ee katirsan gobolka Hiiraan, ayaa ku waramaya in markale saakay  uu halkaasi dib uga qarxay dagaalka xooggan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid culus.

Ilo wareedyo amniga katirsan ayaa inoo sheegay  in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ay  iska caabin adag kala hortageen dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley ay gelinkii dambe ee shalay ay dagaal kula wareegeen deegaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buura-burde ee gobolka Hiiraan.

Waxaana la xaqiijiyay in dagaalkii shalay ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo deegaanka ah, halka dhanka Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay lagana burburiyay godad dhufeyso ah oo ay ka sameeysteen deegaanka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama uu weli socdo, waxaana adag Xaaladda deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.