Dagaal iyo boob aan horey loo arag oo ka dhacaya Suudaan , sdia ay sheegayaan dadka deegaanku

Dagaal iyo boob aan horey loo arag oo ka dhacaya Suudaan , sdia ay sheegayaan dadka deegaanku

Khartoum (Raxanreeb) — Dagaal aan horay loo arag oo u dhexeeya dagaalyahanno ka tirsan Ciidaamda Gurmadka degdegga iyo militariga ayaa ka socda duleedka waqooyi ee caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaallada ka socda Baxri ayaa la mida kuwii ka dhacay bartamaha Khartoum maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka, kaas oo biloowday saddex toddobaad ka hor.

Ciidamda Gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa muuqaal ay soo duubeen ku sheegay in ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada milatariga ee ku sugan magaalada Baxri. WArkaasi weli si madax banaan looma xaqiijin.

Tan iyo markii ay markii ay bilaabatay collaadu dagaalyahannada RSF ayaa gacanta ku hayay inta badan magaalada Khartoum iyada oo ciidamadu ay weerar cirka ah ku qaadeen.Ciidanka ayaa hadda sheegay in ay horumar wanaagsan ka sameynayaan dhulka, waxayna ku adkeysanayaan in ayku gacan sareeyaan Baxri.

Qaar ka mid ah ganacsatada halkaasi ku ganacsanayayey ayaa u furay ganacsigooda inkasta oo uu dagaalku dhacayey. Iyada oo dadku ay gabaabsi ku yihiin cuntada iyo lacagta, bililiqo baahsan ayaa dhacday galabnimadii Arbacada kuwaas oo lala beegsaday dhammaan dukaamada haddii ay furan yihiin ama ay xiranyihin.