Muqdisho (Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo caawa ka socda xaafada wardhaliska ee degmada Deynille ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa si gaar ah ugu dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo diidan burburinta guryaha dadka shacabka ah.
Warar hordhac ah oo laga helayo dagaalka ayaa ku waramaya inuu jiro khasaaro culus oo labada dhinac soo kala gaaray, balse aan si dhab ah loo ogeyn maadama xili habeen ah uu dagaalka socdo.
Sidoo kale goobta dagaalka ka socda waxaa gaaray dhowr Cabdi bille oo ciidan gurmad ah wada, waxaana dhawaaqa rasaasta laga maqlaya degmooyinka ka agdhaw halka uu dagaalka ka socdo.
Weli laamaha amniga dowladda kama aysan hadlin dagaalka caawa, waxaana uu ku soo aadaya xili dowladda ay sare u qaaday bururinta dhulalka dadka shacabka ay daggan yihiin ee magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply