Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya

Garoowe ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta la kulmay wafdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar oo booqasho ku jooga Puntland.

Intii uu kulanku socday waxaa la sheegay in looga hadlay horumarinta waxbarashada sare ee Puntland, kor u qaadidda tayada tacliinta, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha tacliinta sare, si loo kobciyo aqoonta iyo horumarka bulshada.

Wafdiga Cabdisalaam Hadliye waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University, Prof. Maxamuud Sheekh Xaamud. Ambassador Cabdisalaam Hadliye wuxuu Garoowe u yimid casuumaad uu ka helay Jaamacadda Puntland State University.

Leave a Reply

Your email address will not be published.