Dalka Giriiga oo ay doorasho ka socoto

Dalka Giriiga oo ay doorasho ka socoto

Giriga (Raxanreeb) — Shacabka Giriiga ayaa codeynaya markii labaad muddo bil gudaheed ah iyadoo ra’iisul wasaarihii hore Kyriakos Mitsotakis uu rajeynayo inuu helo aqlabiyad weyn.

Waxa uu bishii May si dirqi ah uga adkaaday ninkii la tartamayey ee hogaamiyo xisbiga bidixda dhexe balse waxa uu ku baaqay doorashooyin cusub si uu kaligii u maamulo Giriigga .

Codbixinta dhaceysa maanta oo Axadda ah ayaa ku soo beegantay wax ka yar toddobaad ka dib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay xeebaha Giriigga, taas oo loo maleynayo in 500 oo qof ay ku dhinteen. Laakin masiibadaasi ayaa saameyn yar ku yeelatay ololaha doorashada.

Ninka muxaafidka ah mudane Mitsotakis ayaa doorashadii bishii hore wax kayar 20 dhibcood kaga guuleystay xisbiga bidixda dhexe ee Syriza ee uu hogaamiyo Alexis Tsipras, oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore, wuxuuna ku kalsoon yahay inuu mar kale ku guuleysan doono.

Codbixintu waxay socon doontaa ilaa 19:00 (16:00 GMT).